Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea N’Golo Kante ayaa lagu soo waramayaa inuu go’aansaday inuu doonayo inuu sii joogo Stamford Bridge kana hoos shaqeeyo Thomas Tuchel.
Kante ayaa u saxiixay Chelsea xagaagii 2016, iyadoo Tuchel uu yahay tababarihii afraad ee uu ka hoos shaqeyn lahaa afar sano iyo badh.
Tababaraha reer France ayaa wada isbadal cuusb oo kooxda ah waxayna u badantahay in uu xidigo badan seeftiisa ku dhacdo
Todo Fichajes ayaa rumeysan in go’aanka Kante la qaatay kadib wada hadalo uu la yeeshay Tuchel, mana jirto haatan wax soo jeedin kara in ka dhaqaaqida SW6 ay qarka u saaran tahay xiddiga kooxda ee khadka dhexe.
Hadda waxa kaliya ee uu u baahan yahay inuu sameeyo ayaa ah inuu dib u helo qaabkiisa adkaa ee lagu yaqaanay.