Home Suuqa Kala iibsiga Xiddiga Cole Palmer oomaanta chelsea hogaamin doona kulan ay la ciyaari doonto...

Xiddiga Cole Palmer oomaanta chelsea hogaamin doona kulan ay la ciyaari doonto kooxdiisii hore ee Man City

0

Xiddiga Cole Palmer ayaa maanta chelsea hogaamin doona kulan ay la ciyaari doonto kooxdiisii hore ee Man City.

Tan ilaa markii uu ku soo biiray Chelsea Palmer ayaa noqday xiddiga ugu fiican kooxda isaga oo wacdaro dhigay.

Kulanka uu maanta ka hor tagi doono Man City waxa uu isha ku hayaa rikoodh ay dhigeen Halyeeyada kooxda ee Lampard iyo Drogba.

Xiddiga Palmer ayaa 16 gool ka dhaliyay garoonka Stamford Bridge ee ay kooxdiisu ku ciyaarto tan ilaa markii uu yimid kooxda.

Waxa uu haatan bar-baro la yahay Lampard iyo Drogba oo sidaas sameeyay intii ay u ciyaarayeen kooxda.

Hadii uu Palmer maanta dhaliyo waxa uu dhalin doonaa goolkii 17-aad ee premier League garoonka Stamford Bridge waxana uu dhigi doonaa rikoodh cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here