Home Suuqa Kala iibsiga Xiddiga diirada u saarna xagaaga suuqa kala iibsiga ee Liverpool Martin Zubimendi...

Xiddiga diirada u saarna xagaaga suuqa kala iibsiga ee Liverpool Martin Zubimendi oo diiday inuu ku biiro kooxda….

0

Xiddiga diirada u saarna xagaaga suuqa kala iibsiga ee Liverpool Martin Zubimendi ayaa diiday soo jeedin ah inuu ku biiro kooxda Merseyside, waxaana uu sii joogi doonaa kooxdii yaraantiisii ​​ee Real Sociedad.

Ku guuleystaha Horyaalka Yurub ee Spain ayaa loo aqoonsaday inuu yahay mudnaanta koowaad ee Arne Slot daaqadan, Liverpool ayaana rumeysaned inay ka soo jiidan karaan Real Sociedad.

Ciyaaryahanka Waxa uu hore u diiday kooxaha Arsenal iyo Bayern Munich.

Laakin waxa ay hadda u muuqataa in dhaqaaqii uu meesha ka baxay, iyadoo Zubimendi lagu qanciyay in uu sii joogo kooxdiisa haatan ee uu hogaamiyo tababare Imanol Alguacil.

Waxaa la fahamsan yahay in tababaraha uu kulamo dhowr ah la qaatay 25-sano jirkaan oo uu qalbigiisa ku riixay inuu sii joogo, isagoo tixraacaya sida taageerayaasha ay uga niyad jabi doonaan bixitaankiisa.

Imanol wuxuu kaloo wax badan ka hadlay sida wanaagsan ee nolosha Zubimendi ugu jirto San Sebastián.

Liverpool ayaa diyaar u ahayd in ay bixiso lacagta looga baahan yahay si ay u hesho Zubimendi.

Waxaana heshiiskiisa Real Sociedad Lagu burburin kada 52 milyan oo ginni.

Laakin ciyaaryahanka ma jeclayn inuu ka tago Sociedad, oo ah naadigiisa maxaliga ah ee uu magaciisa ku soo qaatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here