Home Warar Ciyaaraha Maanta Xiddiga Federico Chiesa oo ciyaari doonin kulankiisii ugu horeeyay ee Liverpool

Xiddiga Federico Chiesa oo ciyaari doonin kulankiisii ugu horeeyay ee Liverpool

0

Xiddiga Federico Chiesa ayaan ciyaari doonin kulankiisii ugu horeeyay ee Liverpool marka ay kooxdiisu la ciyaari doonto Man United Axada.

Xiddiga reer Italy ayaa dhamaystiray heshiiska uu ugu soo biirayo Liverpool khamiistii laakiin Slot ayaan filay in uu ciyaaro kulanka Old Trafford ee Axada.

“Waxa uu maanta nala qaadan doonaa tababarka laakiin fursada ugu weyn ayaa ah in aanu ka qayb ahaan kooxda u safri doonta Manchester Axada”ayuu Slot yidhi.

“Hadii ay wax dhaawacyo ah dhacaan labada maalin ee soo socota waxa laga yaabaa in aan u baahano isaga laakiin ma filayo in uu ciyaaro kulanka, ma balan qaadi karo”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here