Xiddiga Gareth Bale oo Heshiis la Gaaray koox aan ka mid ahayn naadiyashii lala xidhiidhinayay

Xiddiga reer Wales ee Gareth Bale ayaa heshiis la gaadhay koox aan ka mid ahayn naadiyadii lala xidhiidhinayay ee la sheegayay in uu u wareegayo, kaddib markii uu si xor ah uga tegay Real Madrid oo uu muddo sagaal sannadood ah u ciyaaray.

32 jirkan ayaa la filayay in uu sii joogayo qaaradda Yurub oo uu ka ciyaari doono horyaalka waddankiisa Wales ama Premier League oo naadiyada lala xidhiidhinayay ay ku jirtay Tottenham Hotspur oo ahayd halkii uu kusoo shaac-baxay ka hor intii aanu tegin Real Madrid.

Gareth Bale ayaa heshiis la gaadhay kooxda horyaalka waddanka Maraynkana ee Los Angeles FC oo uu ka degi doono horraanta bisha July, taas oo uu u noqonayo xiddigii labaad ee weyn ee reer Yurub ah ee ay xagaagan la saxeexaan.

Waxa ka horreeyey oo ay Los Angeles FC heshiis la gaadhay difaaca Talyaaniga iyo kooxda Juventus ee Giorgio Chiellini oo ay Gareth Bale isku koox noqonayaan.

Heshiiska Gareth Bale uu la gaadhay kooxda horyaalka MLS ee Los Angeles FC ayaa  waxa uu soconayaa illaa June 30, 2023 markaas ayaanu ka fikiri doonaa haddii uu sii joogayo horyaalka  Maraykanka iyo haddii uu dib ugu soo laabanayo qaaradda Yurub.

LAFC oo hadda hoggaanka u haysa horyaalka Maraykanka ee MLS qqaybta Western Conference.

 

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*