Xiddiga ka tirsan kooxda kubadda cagta Manchester United ayay kaamirooyinku qabteen isaga oo nuugaya maandooriye xilli uu ku jiray baabuurkiisa oo uu ku wadaray dawwal. Waqtiga uu laacibkani falkan sameeyey ayaa la sheegay inuu kusii jeeday garoonka tababarka kooxdiisa.
Manchester United ayaan wali ka hadal fadeexaddan, waxayse warbaahinta waddanka Ingiriisku aad u hadal-hayaan laacibkan oo marka horeba ku silcayey Old Trafford oo aanu ku haysanin waqti ciyaareed oo haddana ku kacay falkan.
Baabuur midabkiisu madow yahay ayaa waxay kaamirooyinku qabteen iyadoo uu ku dhax jiro difaaca bidix ee Manchester United ee Brandon Williams oo nuugaya biibiilaha lagu sakhraamo ee maandooraha ama daroogadu ku jirto, gaar ahaan maadada ‘Nitrous oxide’.
Laacibkan oo toddobaadkii mushahar u qaata lacag gaadhaysa £60,000 Gini, ayaa sida uu xaqiijiyey wargeyska The Sun, waxa waqtiga uu maandooriyaha nuugayay uu kusii socday garoonka tababarka ee Carrington ee Manchester United.
22 jirkan oo kusoo barbaaray Manchester United oo uu kulliyaddeeda ku biiray sannadkii 2008, ayaa falkan uu ku kacay uu sii xumayn doonaa mustaqbalkiisa oo horeba u laalnaa, isla markaana aanu ku jirin qorshaha tababare Erik ten Hag.
Toddobaadyadii ugu dambeeyey ayaa waxa Brandon Williams lala xidhiidhinayay kooxda Middlesborugh ee heerka labaad ee Ingiriiska, waxaanay taasi soo afjari kartaa waqtigiisa Manchester United oo ay diiwaanka ugu jiraan 51 ciyaarood oo kooxda koowaad uu u saftay.