Xiddiga ka tirsan xulka qaranka England oo ka mamnuucay hooyadii in ay timaaddo garoomada ciyaaraha

Xiddiga ka tirsan xulka qaranka England ayaa ka mamnuucay hooyadii in ay timaaddo garoomada ciyaaraha xilliga uu isagu u dheelayo kooxdiisa, waxaanay kaliya wiilkeeda kala socotaa shaashadaha telefishannada ee gurigeeda oo ay ka daawato.

Laacibka Tottenham iyo xulka England ee Eric Dier ayaa sheegay in uu hooyadii iyo xubno kale oo qoyskooda ah ka joojiyey in ay yimaaddaan garoomada, kaddib markii aflagaaddo loogu geystay garoonka dhexdiisa kulankii Chelsea ee bishii hore.

Eric Dier oo warbaahinta la hadlayay ayaa yidhi: “Xubno qoyskayga iyo saaxiibbadayda ah ayaa dhibaato kala kulmay kulankii  Chelsea iyo Tottenham. Waan ka cadhooday ficilkaas dhacay, mana garanayo waxa aan ka idhaahdo sababtoo ah ma garanayo in aniga la i ganaaxayo iyo in kale.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu intaa raaciyey: “Hooyaday ma tagto kulamada bannaanka aanu kusoo ciyaarno. Way jeclaan lahayd laakiin aniga ayaa walwalsan, waana arrin waalli ah. Dhamaan qoysaskeena sidaas ayaa ku dhacaysa.

“Kaliya ma odhanayo taageereyaasha Chelsea ama Tottenham ayaa sidan samaynaya, laakiin waa guud ahaan taageereyaasha.”

Ma aha markii ugu horreysay ee Erid Dier uu ka cawdo faquuq iyo aflagaaddooyin ay kula kaceen taageereyaashu, hase yeeshee March 2020 ayaa uu sidan oo kale warbaahinta u hoyimid isaga oo difaacaya walaalkii oo taageereyaal aflagaadeeyeen, taas oo keentay in isaga laga ganaaxo afar ciyaarood iyo 40,000 Gini oo uu bixiyey.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*