Xiddiga khadka dhexe ee Barcelona ee Frenkie de Jong oo hadda ka ambobaxay garoonka diyaaradaha magaalada Barcelona

Xiddiga khadka dhexe ee Barcelona ee Frenkie de Jong ayaa hadda ka ambobaxay garoonka diyaaradaha magaalada Barcelona isaga oo kusii jeeda London, kaddib markii kursiga kaydka la dhigay kulankii xalay ay kooxdiisu 4-0 ku garaacday Real Valladolid oo uu waqti dambe beddel kusoo galay.

Barcelona ayaa hore heshiis ula gashay Manchester United iyo Chelsea oo ay doonaysay inay ka iibiso Frenkie de Jong, hase yeeshee laacibkan ayaa ku adkaystay in aanu ka baxayn Camp Nou inkasta oo naadigaasi uu ka cabanayo dhaqaale xumo oo mushaharkiisa ay walwal ka qabaan.

25 jirkan ayuu Joan Laporta doonayaa in uu iibiyo si uu uga helo lacago uu iskaga fudaydiyo culayska dhaqaale ee kooxdiisa xilli ay 150 milyan oo Euro kusoo kharash gareeyeen saxeexyo cusub oo midkii ugu dambeeyey oo ahaa Jules Kounde loo diiwaangeliyey usbuucan oo uu saftay kulankii Axaddii.

Lama sheegin in De Jong uu si toos ah ugu degayo Chelsea amaba Manchester United oo uu tijaabada caafimaadka u mari doono, hase yeeshee waxa uu mar dhoweyd ka duulay garoonka diyaaradaha Barcelona isaga oo kusii jeeda magaalada London

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*