Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona Frenkie de Jong oo iyo wakiilkiisa oo khilaaf soo kala dhexgalay

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona Frenkie de Jong ayaa lagu soo waramayaa in uu wakiilkiisa khilaaf ka dhexeeyo oo ku saabsan mustaqbalkiisa.

Xiddiga reer Holland ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo Barcelona xagaagan, iyadoo Manchester United iyo Chelsea loo aqoonsaday inay xiiseynayaan.

Kooxda Erik ten Hag ayaa hogaaminaysay tartanka loogu jiro 25 jirkan iyaga oo doonaya in ay xoojiyaan khadkooda dhexe kadib bixitaankii Paul Pogba iyo Nemanja Matic , halka Chelsea ay diyaar u tahay inay la mid noqoto dalabka United.

Warbixin dhawaan soo baxday ayaa lagu sheegay in Barcelona ay ku qasbanaan karto inay iibiso De Jong si ay ugu fasaxdo biilka mushaharka ka dib markii La Liga ay diiday isku daygoodii ahaa inay ku diiwaan geliyaan saxiixyadooda cusub.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay The Sun , xiddiga heerka caalami ee dalka Netherlands ayaa doonaya inuu ku sii joogo Camp Nou mushaar dhimis, taasoo keentay inay isku dhacaan ciyaaryahanka iyo wakiilkiisa.

Wakiilka De Jong ayaa aaminsan in kalyantigiisu uu kaga tago kooxda reer Catalonia mushaharka dib loo dhigay ee lagu leeyahay, kaasoo lagu soo waramayo in u dhexeeya £14m iyo £17m.

Barcelona ayaa heshiis la gaartay labo sano ka hor De Jong si dib loogu dhigo qeyb ka mid ah mushaarkiisa si uu u caawiyo kooxda inta lagu guda jiro cudurka faafa ee coronavirus.

 

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*