Xiddiga khadka dhexe Manchester City ee Bernardo Silva oo magacaabay toddoba waddan oo uu u saadaaliyey in midkood ku guuleysan doono Koobka Adduunka sannadkan

Portugal v Israel - International Friendly, Länderspiel, Nationalmannschaft Football Match Bernardo Silva of Portugal in action during the international friendly football match between Portugal and Israel, at the Jose Alvalade stadium in Lisbon, Portugal, on June 9, 2021, ahead of the UEFA EURO, EM, Europameisterschaft,Fussball 2020 European Championship, EM, Europameisterschaft Lisbon Portugal fiuza-portugal210609_npbs2 PUBLICATIONxNOTxINxFRA Copyright: xPedroxFiuzax

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Manchester City ee Bernardo Silva ayaa magacaabay toddoba waddan oo uu u saadaaliyey in midkood ku guuleysan doono Koobka Adduunka sannadkan ee lgu qabanayo waddanka Qatar bisha November.

FIFA ayaa maanta shaacisay in isbeddel ay ku samaysay waqtiga uu bilaabmayo Koobka Adduunka, waxaana lagasoo horreysiiyey hal maalin waqtigii hore loogu qabtay oo ahayd November 21.

Bernardo Silva oo xulka qarankiisa Portugal uu ka mid yahay dalalka sida weyn loogu saadaalinayo, ayaa waxa uu soo xushay toddoba dal oo ay ugu horreeyaan England, Brazil iyo France oo uu ku tilmaamay kuwa ugu cadcad ku guuleysiga Koobka Adduunka.

Portugal oo kusoo baxay wareeggii isreeb-reebka ayaa waxa uu Group H kula jira South Korea, Ghana iyo Uruguay, waxaana Bernardo Silva la weydiiyey in uu sheego waddamada ugu cadcad ee ay la tahay in sannadkan ay ku guuleysan doonaan Koobka Adduunka, waxaanu yidhi: “Annagu waxa aanu doonaynaa in aanu isku dayno ku guuleysiga Koobka Adduunka. Waanu ognahay in ay aad iyo aad u adag tahay, sababtoo ah waxa jooga Germany, Argentina, Brazil, France, Spain, Holland iyo England. Way adag tahay in la saadaaliyo, laakiin tobankaas dal ma garan kartid midkooda fiicnaan doona.”

yeelanayo horyaalka Premier League, ayaa la weydiiyey, waxaanu ku jawaabay: “Waa xilli ciyaareed adag, sababtoo ah Koobka Adduunka ayaa bdhtamaha ku beegmaya. Waa arrin xun. Waxay u egtahay sidii aanu laba Premier League ciyaarayno: mid Koobka Adduunka ka horreeya iyo mid ka dambeeye. Waxa aanu isku dayi doonaa in aanu wax kasta ku guuleysano ka hor Koobka Adduunka.”

 

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*