Xiddiga khadka dhexe uga  ciyaara Liverpool ee Thiago Alcantara oo ay yar tahay fursaddiisa ka qayb-galka  Koobka Adduunka

Xiddiga khadka dhexe uga  ciyaara Liverpool ee Thiago Alcantara ayaa la sheegay in ay yar tahay fursaddiisa ka qayb-galka  Koobka Adduunka ee bisha November ka bilaabmaya waddanka Qatar, kaddib markii uu tababare Luis Enrique go’aamiyey in aanu kusoo darin kulamada ugu dambeeya ee ay iskugu-diyaarinayaan Koobka Adduunka ee UEFA Nations League ee toddobaadka dambe.

Kubbaad-sameeyaha Liverpool oo ay inta badan aad u yarayd in uu si joogto ah ugu soo bilowdo khadka dhexe ee Spain, ayaan looga yeedhin xulkiisa tan iyo tartankii qaramada Yurub ee 2021 ee Talyaanigu ku guuleystay, waxaanu hadda dibedda ka joogaa xulkiisa muddo sannad iyo saddex bilood ah.

Inkasta oo maqnaanshaha kulamadan ee Thiago Alcantara loo nisbayn karo dhaawac uu la dhibaatoonayo oo kasoo gaadhay kulankii Fulham laakiin uu labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee kooxdiisa uu dheelay, haddana wargeyska The Athletic oo xogihiisa aad loogu kalsoon yahay ayaa sheegay in ay aad u yar tahay fursadda uu Luis Enrique xulka ugu soo celinayo Thiago Alcantara.

31 jirkan oo dhaawaca kasoo gaadhay ciyaartii koowaad ee Premier League ee xilli ciyaareedkan ku maqnaa muddo bil ah, ayaa waxa uu bandhig heersare ah sameeyey kulankii Ajax ay 2-1 ku garaaceen, halka sidoo kalena uu beddel ku yimid kulankii ka horreeyey ee Napoli sida xun u burburisay Liverpool.

Sannadkii 2011 ayaa Thiago uu xulka qaranka Spain ka mid noqday isaga oo saftay ciyaar ay waajaheen Talyaaniga, kaddib markii uu diiday inuu u ciyaaro xulka dalkiisa Brazil oo uu ka doortay Spain. 11kaas sannadood waxa uu kaliya dheelay 46 ciyaarood oo xulka ah, waxaana intii hore uu kursiga kaydka ugu jiray Xavi, Andres Iniesta iyo Xabi Alonso oo intuba ka ciyaaarayay boosaska uu laacibkani ka dheeli karo, haddana waxa uu Luis Ernique ka doorbidayaa labada xiddig ee Barcelona ee Pedri iyo Gavi.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*