Home Suuqa Kala iibsiga Xiddiga kooxda Al-Hilal ee Neymar ooka jawaabay warar sheegaya in uu saxiixiisa...

Xiddiga kooxda Al-Hilal ee Neymar ooka jawaabay warar sheegaya in uu saxiixiisa u soo bandhigay kooxda Barcelona.

0

Xiddiga kooxda Al-Hilal ee Neymar ayaa ka jawaabay warar sheegaya in uu saxiixiisa u soo bandhigay kooxda Barcelona.

Wararka ayaa sheegaya in uu Neymar saxiixiisa u soo bandhigay kooxda Barcelons si uu ugu laabto kooxda xagaagan.

Wararka ayaa xitaa sheegay in tababaraha Barcelona ee Hansi Flick iska diiday fursad uu kula soo saxiixan lahaa xiddiga.

Haatan xiddiga reer Brazil ayaa ugu dambayn ka jawaabay wararka xanta ah ee sheegaya in uu saxiixiisa u soo bandhigay Barcelona.

“Marka laga yimaado beenta ay sheegeen, Wararkaas waxa uu xushmad darro weyn u yahay ciyaartoyada iyo kooxda Al-Hilal”ayay wakiilada Neymar qoraal ku soo saareen.

“Neymar waxa uu heshiis kula jiraa kooxda sucuudiga wuuna ku faraxsanyahay, dhawaan waxa uu ku soo laaban doonaa garoomada si uu u farxad galiyo taageerayaasha”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here