Home Warar Ciyaaraha Maanta Xiddiga Kooxda Chelsea oo qarka u saaran inuu waqtigiisa ku qaato go’aan...

Xiddiga Kooxda Chelsea oo qarka u saaran inuu waqtigiisa ku qaato go’aan ka gaarista waxa soo socda ee xirfadiisa ciyaareed

0

Xiddiga Kooxda Chelsea ayaa qarka u saaran inuu waqtigiisa ku qaato go’aan ka gaarista waxa soo socda ee xirfadiisa ciyaareed mana ku degdegayo inuu ka tago Chelsea inkastoo laga saaray kooxda koowaad.

Daafaca bidix Ben Chilwell ayaa u sheegay tababaraha cusub ee Chelsea Enzo Maresca in uusan qeyb ka aheyn qorshihiisa xilli ciyaareedka 2024/25 iyadoo macalinka reer Talyaani uu meel fagaare ah ka sheegay bishii hore in ay wanaagsan tahay hadii uu xiddiga reer England helo koox cusub.

Si kastaba ha ahaatee, inkastoo lala xiriirinayay Man United marka la eego arrimaha Erik ten Hag ee daafaca bidix, kooxda Manchester ayaa dooratay inaysan la soo saxiixan daafac kale oo dhaawac u nugul, taasoo ka dhigtay Chilwell inuu ku xayirmo Stamford Bridge.

Iyadoo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda uu xiran yahay dhamaan shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub, Chilwell kuma degdegayo haatan inuu go’aansado mustaqbalkiisa, waxaana uu ku faraxsan yahay inuu sii joogo Chelsea ilaa laga gaaro suuqa kala iibsiga ee Janaayo, oo uu kursigiisa ku cuno lacagtiisa.

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayaa wali ka furan Saudi Arabia, Turkey, Portugal iyo Netherlands laakiin waxaa la rumeysan yahay in daafaca bidix uusan dooneyn inuu u dhaqaaqo koox ka mid ah wadamadaan.

Chilwell waxa uu Chelsea kula jiraa heshiis dhacaya 2027 waxana uu sii wadi doonaa in uu 200k ginni todobaadkii ka qaato kooxda ka dhisan London inkasta oo aanu ciyaaraynin oo uusan ku jirin qorshaha Maresca.

27 jirkan ayaa ah xiddiga labaad ee ugu mushaharka badan kooxda  Premier League isaga oo kabtanka kaliya ee Reece James ka horeeya daafaca dambeedka midig ee kale.

Xaaladaan ayaa ah mid musiibo ku ah ciyaaryahanka iyo kooxdaba, waxaana ay timid kadib xilli Chilwell loo magacaabay kabtan ku xigeenka Blues.

Hadda, Chilwell waxa uu ku xayiran yahay Chelsea, wakhtiga ayaana sheegi doona halka uu ku danbeyn doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here