Home Suuqa Kala iibsiga Xiddiga kooxda Man United ee Jadon Sancho oo qarka u saaran...

Xiddiga kooxda Man United ee Jadon Sancho oo qarka u saaran in uu isaga tago kooxda Man United

0

Xiddiga kooxda Man United ee Jadon Sancho ayaa qarka u saaran in uu isaga tago kooxda Man United suuqa kala iibsiga xagaagan.

Sancho ayaa lala xidhiidhinayaa kooxaha Chelsea iyo juventus kuwaas oo doonaya saxiixiisa inta uuna xidhmin suuqa kala iibsiga xagaaga.

Si kasta ha ahaatee sida laga soo xigtay The Guardian, xiddiga Sancho ayaa doortay kooxda uu ku biirayo midkood Juventus iyo Chelsea.

Wargayska ayaa sheegaya in uu Sancho doorbidayo in uu ku biiro kooxda chelsea halkii uu ku biiri lahaa kooxda Juventus.

Xiddiga reer England ayaa doonaya in uu sii joogo Premier League halkii uu ku biiri lahaa horyaalka Talyaaniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here