Xiddiga Ku Guulaystay Abaalmarinta Xiddigii Ugu Fiicnaa Premier League Bishii November Oo La Soo Saaray

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man United ee Burno Fernandes ayaa ku guulaystay abaalmarinta xiddigii ugu fiicnaa Premier League bishii November.

Fernandes ayaa markii 3-aad k guulaystay abaalmarinta sanadka 2020 kadib markii uu ku guulaystay abaalmarinta bisha November.

Xiddiga Man United ayaa dhaliyay 4 gool sidoo kale caawiye ka noqday 2 gool kulamadii uu ciyaaray bishii November ee Everton, West Bromwich Albion & Southampton.

Burno Fernandes ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee sanad gudihiis 3 jeer ku guulaysta abaalmarinta tan ilaa markii uu weeraryahanka Harry Kane sidaas sameeyay sanadkii 2017.

Bruno ayaa abaalmarinta ku garaacay xiddigaha Ben Chilwell, Jack Grealish, Pierre-Emile Hojbjerg, Angelo Ogbonna & James Ward-Prowse kuwaas oo kula tartamayay.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*