Xiddiga Ku Guuleystay Da’ Yarka Sannadka Premier League Ee Abaalmarinta PFA Oo La Shaaciyay

Xiddiga Manchester City Phil Foden ayaa ku guuleystay abaalmarinta Da’ yarka Sannadka Premier League ee abaalmarinta PFA.

Foden ayaa qeyb libaax ka qaatay hanashadii horyaalka Premier League ee Manchester City, wuxuuna abaalmarintaan ku guuleysanayaa sannadkii labaad oo isku xigta.

Wuxuu abaalmarinta ka qaaday xiddiga ay Chelsea iska leedahay balse wacdaraha u dhigay Crystal Palace Conor Gallagher, xiddiga Chelsea Reece James, Jacob Ramsey, laacibiinta Arsenal Bukayo Saka iyo Emile Smith Rowe.

22 jirkaan ayaa noqonaya ciyaaryahankii lixaad ee labo sanno oo isku xigta ku guuleysta abaalmarinta da’ yarka sannadka ee PFA, isagoo ku biiraya Ryan Giggs, Robbie Fowler, Wayne Rooney, Dele Alli iyo gabadha weerarka uga ciyaarta Manchester City Lauren Hemp.

Foden ayaa sannadkan muhiim u ahaa kooxdiisa Man City iyo xulkiisa Ingariiska, wuxuu sidoo kale ku guuleystay bishii May da’ yarka sannadka ee ay bixiso horyaalka Premier League.

Wuxuu ahaa xiddiga afaraad ee ugu goolasha badan Man City xilli ciyaareedkii dhamaaday isagoo dhaliyay sagaal gool horyaalka, seddex uu ka dhaliyay Champions League iyo min hal gool uu ka dhaliyay FA Cup iyo League Cup.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*