Home Warar Ciyaaraha Maanta Xiddiga Liverpool Luis Diaz oo codsi quus ah u gudbiyay Mohamed Salah

Xiddiga Liverpool Luis Diaz oo codsi quus ah u gudbiyay Mohamed Salah

0

Xiddiga Liverpool Luis Diaz ayaa codsi quus ah u gudbiyay Mohamed Salah si uu ugu qanciyo inuu sii joogo Reds.

Salah ayaa loo arkaa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican Liverpool xilligan casriga ah, isagoo u dhaliyay 214 gool 352 kulan oo uu u saftay kooxda, waana goolkii ugu dambeeyay ee uu ka dhaliyay kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester United isbuucaan.

Laakin weeraryahanka ayaa shaki galiyay mustaqbalkiisa Liverpool kadib ciyaartii Man United isaga oo sheegay in uu yahay sanadkiisii ugu dambeeyay ee Liverpool.

Diaz oo laftiisu dhaliyay 2 gool kulanka ayaa xiddiga reer Masar u sheegay in uu mustaqbalkiisa u hibeeyo Liverpool.

“Way nagu adkaan doontaa”ayuu Luis Diaz u sheegay Telemundo.

“Way ku adkaan doontaa Liverpool”.

“Waxa uu noo qabtay shaqo fiican way nagu adkaan doontaa in an lumino xiddig isaga oo kale ah, waa go’aankiisa waanan ixtiraamaynaa laakiin waxa aan rajaynayaa in aanu tagin”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here