Xiddiga reer Brazil Neymar ayaa shaaciyay inuu sii wadanayo ciyaarista horyaalka Saudi Pro League, inkastoo ay jiraan warar la xiriirinaya inuu ku biirayo Lionel Messi oo jooga Inter Miami.
Neymar, oo ku biiray Al-Hilal xagaagii 2023 ka dib markii uu ka tagay Paris Saint-Germain, ayaa illaa hadda ciyaaray kaliya toddobo kulan oo tartan rasmi ah, iyadoo dhaawacyo badan ay hareeyeen waayihiisa kooxda Sucuudiga.
Waxaa jiray warar sheegaya in heshiiskiisa Al-Hilal la joojin karo, taasoo u sahli lahayd inuu u wareego Major League Soccer (MLS), laakiin 32-jirka ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay kooxdiisa haatan. Isagoo la hadlayay RMC Sport, Neymar ayaa yiri:
“Waxaan go’aansaday inaan PSG ka tago markii ay ii cadaatay inaysan i rabin. Markii aan ka tagay, waxaan helay dalab ka yimid Al-Hilal. Waan aqbalay sababtoo ah waan jeclaystay dalabkaas, waana bartay naadiga iyo dhaqanka meesha.
“Waxaan si weyn ula dhacay soo dhoweyntii aan ka helay taageerayaasha iyo daryeelkooda. Horyaalku waa mid koraya, kooxda ayaan sidoo kale horumarineynaa, anigoo la jooga qoyskeyga, waxaan hubaa inaan go’aan sax ah gaarnay. Runtii aad ayaan ugu faraxsanahay halkan.”
Neymar ayaa sidoo kale ka hadlay qorshihiisa mustaqbalka dhow, isagoo yiri:
“Marka hore, waxaan doonayaa inaan xilli ciyaareed wanaagsan ku qaato Al-Hilal. Waxaan kasoo kabanayaa dhaawac culus, waana inaan qaato waqti aan ku soo laabto heerkeyga ugu fiican. Himiladeydu hadda waa inaan si buuxda u soo kabsado, jir ahaan u kobco, oo mar kale ciyaaro.
Neymar ayaa sidoo kale sheegay inuu qorsheynayo inuu ku soo laabto xulka Brazil bisha Maarso, isagoo weli ka mid ah xiddigaha ugu cadcad kubadda cagta caalamiga ah.