Xiddigaha Soo Galay Kaalimaha 11aad Ilaa 19aad Ee Abaalmarinta Ballon d’Or Oo La Shaaciyay

Waxaa weli socota shaacinta kaalimaha ay kala galeen 30kii xiddig ee u sharaxnaa abaalmarinta xiddiga sannadka adduunka ee Ballon d’Or ee ay bixiso majalada France Football.

Waxaa hore loo shaaciyay xiddigihii galay kaalimaha 20aad ilaa 30aad ee abaalmarinta iyadoo haatan la shaaciyay xiddigaha galay kaalimaha 11aad ilaa 19aad.

Kaalinta 19aad waxaa soo galay xiddiga Chelsea Mason Mount, halka daafaca kabtanka u ahaa xulka Denmark una ciyaara AC Milan Simon Kjaer uu soo galay kaalinta 18aad ee abaalmarinta Ballon d’Or.

Weeraryahanka waayo araga ah ee kooxda Atletico Madrid Lusi Suarez ayaa galay kaalinta 17aad isagoo Atletico Madrid u dhaliyay 29 gool tartamada oo dhan tan iyo markii uu ka soo wareegay Barcelona xagaagii 2020.

Kaalinta 16aad waxaa soo galay weeraryahanka Paris Saint-Germain iyo xulka Brazil Neymar, xiddigaan ayaa inta badan lagu tirayaa xiddigaha ugu fiican dunida laakiin sannadkan wuxuu ku guuldareystay inuu xitaa ka mid noqdo 10ka ugu sareeya dunida.

Waxaa ka sareeya oo sannadkan ka fiican xiddiga Ingariiska iyo kooxda Manchester City Raheem Sterling oo galay kaalinta 15aad. Sterling ayaa noqonaya xiddiga Ingariiska ee ugu qiimeyn sareera Ballon d’Or sannadkan 2021.

Kaalinta 14aad waxaa soo galay daafaca Juventus iyo xulka Talyaaniga Leanardo Bonucci, waxaa 13aad soo galay saaxiibkiisa xulka Talyaaniga iyo Juventus Giorgio Chiellini.

Kaalinta 12aad waxaa soo galay weeraryahanka Chelsea iyo xulka Belgium Romelu Lukaku, waxaa kaalinta 11aad soo buuxiyay laacibka Norway iyo kooxda Borussia Dortmund Erling Haaland

Kaalinta 11aad ilaa 19aad ee Ballon d’Or

11 – Erling Haaland (Borussia Dortmund)

12 – Romelu Lukaku (Chelsea)

13 – Giorgio Chiellini (Juventus)

14 – Leonardo Bonucci (Juventus)

15 – Raheem Sterling (Man City)

16 – Neymar (PSG)

17 – Luis Suarez (Atletico Madrid)

18 – Simon Kjaer (AC Milan)

19 – Mason Mount (Chelsea)

Kaalinta 20aad ilaa 30aad Ee Ballon d’Or

20 – Riyad Mahrez (Man City)

21 – Bruno Fernandes (Man United), Lautaro Martinez (Inter Milan)

23 – Harry Kane (Tottenham)

24 – Pedri (Barcelona)

25 – Phil Foden (Man City)

26 – Ruben Dias (Man City), Gerard Moreno (Villarreal), Nico Barella (Inter Milan)

29 – Luka Modric (Real Madrid), Azpilicueta (Chelsea)

Tobanka ciyaaryahan ee soo haray balse aan weli la shaacin kaalimahooda waxay kala yihiin:

Benzema, De Bruyne, Donnarumma, Jorginho, Kanté, Lewandowski, Mbappé, Messi, Ronaldo, Salah.

Tobankaan xiddig ayaase la hubaa inay noqdeen 10ka xiddig ee ugu fiican dunida sannadkan 2021, iyadoo goordhow la shaacin doono kaalimaha ay kala galeen.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*