Xiddigaha Xulka Qaranka Argentine Oo la Shaaciyay iyo Lionel Messi, Paulo Dybala kasoo Muuqday

Tababaraha xulka qaranka Argentina ee Lionel Scaloni ayaa soo saaray liiska xiddigaha qarankiisa ee kulamada caalamiga ah ee la iskugu diyaarinayo koobka Adduunka ee toddobaadka dambe ay ku waajahayaan Honduras iyo Jamaica.

Xulka qaranka Argentina ayaaa waxa uu safar ku tegayaa waddanka Maraykanka oo ayaa September 23 oo ah Jimcaha toddobaadka dambe waxay garoonka Hard Rock Stadium ee Florida, USA ay kula ciyaari doonaan Honduras halka September 27 ay garoonka Red Bull Academy Trainind Field  1 ee ku yaalla gobolka New Jersey ay ku kulmi doonaan Jamaica.

Tababare Lionel Scaloni ayaa rajaynaya in ciyaartoydiisa muhiimka ah oo dhan ay taam u nqoon doonaan kulamadan, si ay ugu diyaar-garoobaan Koobka Adduunka oo ay tegayaan iyaga oo aan laaga badinin 32kii ciyaarood ee ugu dambeeyey.

Kulankii ugu dambeeyey, waxay Argentina 5-0 ku karbaashtay Estonia bishii June, halka Talyaaniga oo kusoo guuleystay UEFA Euro 2020 ay 3-0 ku dileen ciyaartii Finalissima. Lionel Messi ayaa shan gool dhaliyey, laba kalena caawiyey labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee uu qarankiisa u ciyaaray.

Halkan kaga bogo ciyaartoyda xulka qaranka Argentina

Goolhayeyaal: Franco Armani, Emiliano Martinez, Geronimo Rulli.

Difaacyahanno: Gonzalo Montiel, Nahuel Molina, German Pezzella, Cristian Romero, Neuhen Perez, Lisandro Martinez, Nicolas Otamendi, Marcos Acuna, Facundo Medina, Nicolas Tagliafico.

Khadka dhexe: Leandro Paredes, Guido Rodriguez, Enzo Fernandez, Alexis Mac Allister, Rodrigo de Paul, Giovanni Lo Celso, Alejandro Gomez, Thiago Almada.

 

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*