Xiddigii Liverpool ee lagu tilmaamay “saxiixii ugu xumaa ee waayaha Jurgen Klopp” ayaa waayihiisa ciyaareed dib ugu soo nooleeyay kooxdiisa cusub.
Reds ayaa iska iibisay dhowr ciyaaryahan oo khadka dhexe ah suuqii xagaaga, oo ay ku jiraan Jordan Henderson, Fabinho iyo Alex Oxlade-Chamberlain.
Laakiin xiddig kale oo isla booskaas ka baxay ayaa ahaa Arthur Melo, kaas oo si degdeg ah u noqday nin lagu iloobay Anfield.
Melo, oo 72 jeer u ciyaaray Barcelona, kula guuleystay La Liga, ayaa Liverpool amaah ku tagay xagaagii hore isagoo ka soo wareegay Juventus si uu Liverpool uga caawiyo khadka dhexe.
Si kastaba ha ahaatee, 27-sano jirkaan ayaa hal kulan u ciyaaray kooxda, isagoo dheelay kaliya 13 daqiiqo kulankii Champions League ee ay xasuuqa 4-1 kala kulmeen Napoli.
Dhaawac bowdada ah oo u baahday qalliin ayaa ka dhigay inuu muddo dheer garoomada ka maqnaado, Liverpool ayaana bixisay ku dhawaad £342,857 taabasho kasta uu sameeyay intii uu ku sugnaa Merseyside.
Paul Machin oo ka tirsan Redmen TV YouTube channel ayaa qirtay in Melo uu ahaa saxiixii ugu xumaa ee uu Klopp sameeyay, isagoo u sheegay GiveMeSport “ma jirto si ka duwan sidaa soo loo arki karo.”
Melo, oo ku adkeystay inuu xiriir wanaagsan la leeyahay Klopp, ayaa ku laabtay Juventus markii uu xilli ciyaareedka dhamaaday, lakiin waxa uu dib ugu laabtay amaah, markan waxa uu la joogaa kooxda gaartay finalka UEFA Conference League ee Fiorentina.
Dib u soo kabashadiisa ayaa si wanaagsan u socota, isagoo ku bilowday dhammaan shantii kulan ee Fiorentina ilaa hadda xilli ciyaareedka cusub.
La Viola ayaa hadda ku jirta kaalinta siddeedaad ee horyaalka, iyadoo afar dhibcood ka heshay sagaal dhibcood ay u tartameen horyaalka Serie A. Waxa ay sidoo kale u soo baxeen wareega group-yada Conference League iyagoo uga mahadcelinaya guul ay ka gaareen Rapid Wien.
Melo ayaa hal gool dhaliyay kulankii ay barbaraha la galeen Lecce sida laga soo xigtay The Sun, warbaahinta maxalliga ah ayaa ku tilmaamaysa mid aan la taaban karin kadib bilow fiican uu sameeyay.
Ninkii hore ee Gremio ayaa kalsooni ku qaba in uu ka guuray dhibaatooyinkii dhaawac ee soo gaadhay, wuxuuna yidhi: “Waan ka duwanahay sidii hore, waan ka fiicanahay, wax badan ayaan bartay, waxaana dareemayaa qaab wanaagsan maskax ahaan iyo jidh ahaanba.
“Fiorentina waxaan doonayaa inaan ku guuleysto oo aan wax ka barto, markaas waan arki doonaa waxa dhaca”.