Baroor-diiq iyo murugo ayaa ku habsaday dunida kubadda cagta, waxaana lasoo xaqiijiyey geerida ku timid xiddigii uu Zinedine Zidane ku tilmaamay inuu ka mid yahay ciyaartoydii ugu fiicnaa ee abid uu ku arko garoomada, kaas oo maanta oo Isniin ah la xaqiijiyey inuu dhintay.
Farriimaha tacsida ayaa qarqiyey baraha bulshada, waxaana xiddigihii waaweynaa kubadda cagta iyo kuwa haddaba ay tacsi u dirayaan Fabian O’Neill oo mar dhoweyd geeriyooday.
Sabtidii ayaa cusbitaalka loola cararay Fabian markii uu koomo degdeg ah galay isaga oo muddo la dhibaatoonayay xanuun beerka ah, waxaanu waqtigiisii kusoo dhamaaday koomada uu galay.
Xiddigan hore ee xulka qaranka Uruguay ayaa dhimashadiisa waxa ku dhawaaqay xidhiidhka kubadda cagta ee Uruguay oo war-saxaafadeed ay soo saareen ku yidhi: “Waxa aanu ka qoomamoonaynaa, kana murugaysanahay geerida naxdinta leh ee ku timid ciyaartoygayagii xulka aqaranka Uruguay ee Fabian O’Neill. Waxa aanu tacsi u diraynaa qoyskiisii iyo saaxiibbadiisii. RIP.”
Fabian O’neill ayaa waayihiisa ciiyaareed kasoo bilaabay dalkiisa Uruguay sannadkii 1992kii isaga oo kusoo shaacbaxay naadiga Nacional oo uu kula guuleystay horyaalka dalkaas xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyey, ka hor intii aanu tegin Talyaaniga oo uu u ciyaaray kooxaha Cagliari, Lazio iyo Juventus.
Zinedine Zidane oo ay u wada ciyaareen Juventus, ayaa ku sifeeyey sidan: “Waa ciyaartoygii ugu hibada badnaa ee aan abid arko.”
Khadka dhexe ayuu ka ciyaari jiray, waxaana 19 ciyaarood oo uu xulkiisa u dheelay uu u dhaliyey laba gool, ka hor intii aanu ciyaaraha ka fadhiisan 2003, xilligaas oo ay da’diisu ahayd 29 jir.