Xidig ka tirsan Kooxda Arsenal oo badashey Magaciisa

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Arsenal Thomas Partey ayaa ku dhawaaqay inuu bedelay magaciisa.

Partey ayaa qaatay magaca Yakubu taaso qayb ka ah islaamnimadiisa – laakiin wali waxa loogu yeeri doonaa Partey marka uu u ciyaaro Gunners waxa uuna sii wadi doonaa xirashada Thomas.

Partey ayaa u qaatay diinta Islaamka sababtoo ah saaxiibtiis oo u dhalatay Morocco oo lagu magacaabo Sara Bella ayaa shaaca ka qaaday wareysi uu dhawaan ku qaaday dalkiisa Ghana inuu qaatay magaca Yakubu.

“Waxaan haystaa gabar aan jeclahay, waan ogahay in chicks dhinaceeda ah ay iga tagi doonaan laakiin dhib ma laha,” ayuu ku kaftamay muuqaal Instagram ah oo ay soo dhigtay wariye Ghana ah Nana Aba Anamoah.

“Waxaan ku soo koray Muslimiin sidaas darteed dhamaadka maalinta waa isku mid, mar hore ayaan guursaday, magacayga Muslimka ah waa Yakubu.”

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*