Ciyaaryahanka xulka Holland Georginio Wijnaldum , oo 30 jir ah ayaa qandaraaskiisu dhacayaa.
Liverpool ayaa u soo bandhigtay ciyaaryahanka khadka dhexe heshiis kordhin, waxaa isku ku dhagaalamaya heshiiska xidiga dhowr naadi oo ka dhisan qaarada Yurub.
Inter iyo Real Madrid ayaa dhawaanahan la hadal hayey in ay xiiseynayaan laacibka laakiin Barcelona ayaa muddo dheer si gaar ah loogu tilmaamay inay ugu cadcad tahay inay ka xidiga geyn doonto garoonka Camp Nou.
Ronald Koeman ayaa xaqiijiyay inuu isku dayay inuu lasoo saxiixdo Wijnaldum xagaagan isla markaana ciyaaryahanka uu wali ku jiro liiska uu doonayo.
Haatan Corriere dello Sport ayaa qortay in Wijnaldum uu go’aansaday inuusan heshiiska u dheereyn doonin Liverpool madaama uu doonayo inuu u dhaqaaqo Barcelona.