Xidiga ku guulaystay abaal marinta ciyaartoygii ugu fiicnaa bishii December ee Premier League oo la Shaaciyay

Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Manchester City ee Raheem Sterling ayaa ku guuleystay abaal-marinta laacibka bisha December ee horyaalka Premier League.

27-sano jirkaan ayaa ku riyaaqay qaab ciyaareed heer sare ah isagoo shan jeer shabaqa soo taabtay hal goolna caawiyey shan kulan oo uu u saftay kooxda Pep Guardiola .

Sterling ayaa ku bilowday bishii December isagoo caawiye ka ahaa goolki furitaanka ee Ruben Dias oo 2-1 kaga badiyay Aston Villa, ka hor inta uusan dhalinin goolki ugu horeysay ee City ciyaar ay 3-1 kaga badiyeen Watford.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ayaa markaas noqday ciyaaryahankii 32-aad ee taariikhda Premier League gaara 100-gool markii uu rigoore ka dhaliyay Wolverhampton Wanderers isagoo 1-0 kaga badiyay garoonkooda.

Isagoo ka jawaabaya abaal-marintiisa, Sterling ayaa u sheegay website-ka rasmiga ah ee City : “Waan ku faraxsanahay inaan mar kale ku guuleysto abaal-marintan – laakiin December waxay u ahayd bil cajiib ah kooxda oo dhan.

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*