Home Horyaalka Spain Xidiga Sergio Ramos oo ka hadlay wararka sheegaya in oo ka fariisan...

Xidiga Sergio Ramos oo ka hadlay wararka sheegaya in oo ka fariisan doono xulkiisa Spain

0

Ramos ayaa sheegay inta oo dareemayo Caafimaad dhanka jir ahaan iyo maskixiyan in u ciyaari doono xulkiisa Spain, waxa oo meesha ka saaray wararka sheegaya in oo ka fariisan doono Qarankiisa.

Mar wax laga weydiiyey in oo xulkiisa u sii laadi doono rigoorada, waxa oo ku jawaabay nwaa iga go,an tahay in aan sii ahaado laakiin go,aanka koowaad waxaa leh xulkeyga, waxa ii raaciyey hadii aan dareemo in aan laadi karin rigoorada in aan u daayo xidigaha kale ee Qaranka.

Ramos waa xidig taariikh weyn ku leh xulka Spain iyo kooxda Real Madrid, waxa oo la gaaray guulo muhiim ah, sidookale waxa oo kula guuleystay koobab waa weyn, waxa lagu tiriyaa in oo kamid yahay daafacyada ugu fiican ee soo aduunka.

Xidiga ayaa waxa looga gacan haatinaa dhowr naadi oo la dhisan qaarada Yurub kuwaa oo doonaya in ay ku adkeyaan difaacooda laakiin kooxda Real Madrid ayaa wali helin bedelka Ramos, waxa ay ku qasban yihiin in ay xidiga kusii hayaan Garoonka Santiago Bernabéu .

Kooxaha baacsanaa xidiga waxaa kamid ah kooxda PSG, waxa ayna u soo bandhigtay heshiis gaaray ilaa seddex sano iyo qiimo mushaar oo macquul ah, waxaa dhici karta hadii xidiga heshiis yar usoo bandhigto kooxda Real in oo aado dhanka Horyaalka Ligue 1 dalka France.

Xigasho:- wargeyska Marca.

Previous articleLuis Suarez oo seegidoona Kulanka uu ka hortagayo Kooxdiisa hore ee Barcelona
Next articleHenderson iyo Sterling oo dhaawac dartii looga soo reebay Xulka England

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here