Xidiga u geestay Dhaawaca ayuu u diray Fariin Sida uu uga xunyahay Racfaanka laga diiday

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Liverpool Harvey Elliott ayaa sheegay in daafaca Leeds United Pascal Struijk oo ku guuldareystay racfaankii kaarka cas ee la siiyay.

Leeds ayaa FA -ga kala kulantay racfaankii kaarka cas ee Struijk.

Go’aanka waxaa isla markiiba loogu yeedhay ‘khalad’ Elliott oo ka dhaawacmay canqowga ayaa hada lagu sameeyay qaliin.

Struijk, oo 22 jir ah, ayaa kaarka cas loo taagay guuldarradii 3-0 ee ka soo gaartay Liverpool ka dib markii taakalkiisa uu dhaawac xun u geystay Elliott.

Struijk ayaa haatan mari doona ganaax seddex kulan ah, taasoo la micno ah inuu seegi doono kulamada Leeds ee Newcastle, Fulham ee Carabao Cup iyo West Ham.

Wuxuu ku qoray baraha bulshada: “Waan ka xumahay Pascal -kan. Waxaan u malaynayaa inay khalad tahay!

“Laakiin si dhakhso ah ayaad mar kale ku soo laaban doontaa wanaag ayaa kuu rajeynayaa”

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*