Home Horyaalka England Xidiga Watkins oo lagu booriyay inuu ku biiro Kooxda Chelsea

Xidiga Watkins oo lagu booriyay inuu ku biiro Kooxda Chelsea

0

Cole Palmer ayaa lagu soo waramayaa inuu bilaabay isku dayo uu ku qancinayo xiddiga Aston Villa Ollie Watkins inuu ku biiro Blues xagaagan.

Labada nin ayaa inta badan xagaaga ku wada qaatay waajibaadka caalamiga ah ee Euro 2024 ee Germany

Palmer iyo Watkins labaduba waxay ku guuldareysteen inay hal kulan ku soo bilowdaan tartanka laakiin weli waxay ku guuleysteen inay saameyn weyn ku yeeshaan xulkooda

Xiddiga Watkins ayaa goolka guusha u dhaliyay daqiiqadii ugu dambeysay seddexda libaax ciyaartii semi-finalka ay kaga badiyeen Netherlands garoonka Signal Iduna Park usbuucii hore.

Ciyaaryahanka kooxda Chelsea Palmer ayaa ka soo kacay kursiga keydka dhamaadkii ciyaarta finalka ee ay la ciyaareen Spain, waxaana uu dhaliyay goolka barbaraha 20-kii daqiiqo ee ugu danbeysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here