Home Horyaalka Italy Xidigaha Bernardeschi iyo Khedira oo ka tagaya Kooxda Juventus

Xidigaha Bernardeschi iyo Khedira oo ka tagaya Kooxda Juventus

0

Federico Bernardeschi iyo Sami Khedira ayaa labaduba ka tagi kara Juventus marka uu furmo suuqa kala iibsiga sanadka cusub.

Xiddiga garabka weerarka ka ciyaara ee  Federico Bernardeschi , oo 26 jir ah, ayaa waqti aad u yar ku qaatay xilli ciyaareedkan.

Laacibka reer Talyaani ayaa xagaagii hore u dhaqaaqi jiray.

Corriere della Sera ayaa qortay in Bernardeschi uu amaah kaga tagi karo Juventus ama uu si rasmi ah ugu wareegi karo bisha Janaayo.

Juventus ayaa u furan amaah si ay uga fogaato inay bixiso mushaarka sanadlaha ah ee ciyaaryahanka oo ah 4.5 milyan euro.

Isla waqtigaas, Jariiradda Jarmalka ee Bild ayaa qortay in ciyaaryahanka khadka dhexe ee  Sami Khedira , oo 33 jir ah, uu ka fiirsanayo inuu ka tago Juve xilliga qaboobaha. Wuu diiday inuu jabiyo qandaraaskiisa xagaagan.

Khedira kuma jiro qorshayaasha Andrea Pirlo, laakiin laacibka reer Jarmal ayaa dhaqaaqi doona kaliya haddii uu helo koox ku habboon Yurub.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ma doonayo inuu ka tago kubada cagta weli. 

Previous articleArsenal oo tixgelinaysa in Granit Xhaka ku badalato Christian Eriksen
Next articleWeeraryahanka Liverpool Salah oo mar kale laga helay Xanuunka Corona

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here