Home Wararka Ciyaaraha Xidigaha Juventus oo Kala Carar ku Jira Mushahar La’an Dartii, Juva oo...

Xidigaha Juventus oo Kala Carar ku Jira Mushahar La’an Dartii, Juva oo Ganaax Wajaheysa

0
Ad

Ciyaartoyda kooxda kubadda cagta Juventus ayay soo food-saaraysaa mushahar la’aan, waxaanay qaar badan oo ka mid ahi go’aan ka gaadhi doonaan mustaqbalkooda maalmaha soo socda kaddib fadeexad musuqmaasuq iyo warbixino been-abuur maaliyadeed ah oo ay samaysay kooxdaasi.

Juventus ayaa toddobaadkan laga jaray 15 dhibcood oo horyaalka Serie A ah, waxaana in muddo ah ciyaaraha laga mamnuucay masuuliyiintii kooxda oo muddo sannad iyo dheeraad ah aan garoomada iman doonin, wax shaqo ah oo la xidhiidha ciyaarana aan qaban doonin.

Ad

Ganaax kale oo culus ayaa la filayaa in lagu rido Juventus, waxaanay wararku sheegayaan in €20 milyan oo Ganaax ah laru ridi doono, taasina dhulka gelin doonto dhaqaalaha kooxda ee horeba dhibaatada badan u haysatay.

Ciyaartooyo badan ayaan heli doonin mushaharooyinkooda marka lasoo saaro ganaaxa €50 milyan ee Euro ah, sidoo kalena waxa haddaba la diyaarinayaa dacwado ka dhan ah kooxda oo ay ciyaartoyd kooxda qaarkood maxkamadda la gelayaan.

Waxa ciyaartoydaas ku jira xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo oo xagaagii sannadkii hore uga wareegay Manchester United, laakiin aan illaa  hadda la siinin €20 milyan oo Euro oo mushahar uu kooxda ku lahaa ah, taas oo warbixinta maaliyadeed ee been-abuurka ah lagu sheegay inuu ogolaaday inuu dhimo mushaharkiisa oo aanu waxba ku lahayn.

Adrien Rabiot, Wojciech zczesny, Leonardo Bonucci, Juan Cuadrado, Arthur Melo, Weston McKennie, Federico Bernardeschi iyo Paulo Dybala ayaa iyagana la rumaysan yahay in Juventus ay ka haysato mushaharooyin aanay siinin.

Previous articleDani Alves Iyo Coutinho oo ku wada Xiran Xabsi Ku Yaalla Dalka Spain
Next articleManchester United oo la xiriirtay Monaco si ay ugala hadasho Axel Disasi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here