Home Warar Ciyaaraha Maanta Xidigii hore ee khadka dhexe ee kooxda Manchester United Angel Gomes oo...

Xidigii hore ee khadka dhexe ee kooxda Manchester United Angel Gomes oo loola cararay isbitaal

0

Xidigii hore ee khadka dhexe ee kooxda Manchester United Angel Gomes ayaa xalay loo qaaday isbitaal kadib markii uu madaxa ka dhaawacmay.

23-jirkaan oo ku jira buugaagta United da’da u dhaxeysay lix iyo 19 , ayaa ugu soo bilowday Lille kulankoodii furitaanka horyaalka Ligue 1 ee Reims.

Gomes waxa uu si xun ugu dhacay shil hawada ah oo uu la galay Amadou Kone daqiiqadii 11-aad ee ciyaarta, taasoo keentay inuu dhulka kusoo dhaco.

Garsoore Eric Wattellier ayaa isla markiiba ku baaqay gargaar caafimaad, Gomes ayaa lagu daweeyay garoonka 17 daqiiqo ka hor inta aan aakhirkii loo qaadin cisbitaal.

Ciyaartoyda Lille waxay sameysteen goobo ku wareegsan Gomes markii lagu daweynayay garoonka dhexdiisa.

Gomes ayaa waxaa u sacab tumay labada taageere ee kala duwan – iyadoo dhammaan dadkii isugu soo baxay ay ku dhawaaqayeen magaciisa markii uu garoonka laga qaadayay.

Kone, ka dib markii loo taagay kaarka cas oo toos ah qaladkii halista ahaa ee uu sameeyay, ayaa waxaa la sawiray isaga oo u duceeynaya Gomes gudaha qolka beddelka ee Reims.

Ciyaarta ayaa ugu dambeyntii dib u bilaabatay daqiiqadii 45-aad, iyadoo 34-daqiiqo lagu daray dhamaadkii qeybta hore ee ciyaarta.

Daafaca Lille Bafode Diakite ayaa dhaliyay goolka furitaanka daqiiqadii 30-aad ee qeybta hore ee ciyaarta ka hor inta uusan kor u qaadin funaanadda 8-aad ee uu leeyahay Gomes.

Bayaan ay soo saartay kooxda oo la daabacay intii lagu jiray nasashada ayaa markaas xaqiijiyay in Gomes uu miyir qabo mar kale.

Lille ayaa ciyaarta ku badisay 2-0 ka dib markii Jonathan David uu u labeeyey hogaanka ciyaarta waqtigii dhimashada ee qeybtii labaad.

Laacibka khadka dhexe ee ku dhashay London kaas oo kasoo muuqday 10 kulan kooxda koowaad ee United tan iyo markaas waxa uu in ka badan 100 kulan u saftay kooxda Faransiiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here