Xidigii kubada cagta Argentin Diego Maradona oo geeriyooday

Dunida kubadda cagta ayuu soo gaadhay war murugo badan oo lama filaan ah oo ay la rumaysan kari la’ yahay, waxaana soo yeedhaysa geeri murugo badan.

Mucjisadii kubadda cagta Argentina ee Diego Maradona ayaa la xaqiijiyey inuu si kedis ah u geeriyooday iyadoo ay da’diisu ahayd 60 jir.

Xidhiidhka kubadda cagta Argentina ayaa shaaciyey in halyeygoodii Diego Maradona ee u qaaday koobkii Adduunka 1986kii uu geeriyooday.

Laacibkan hore oo dhowaan lagu sameeyey qalliin madaxa ah oo lagaga daaweeyey dhiig madaxa kaga furtay iyo xijino guntamay oo madaxa ah oo sameeyey in dhibco dhiig ah ay ku da’aan madaxa ayaa waxa la sheegay inay tiisii timid oo uu ugu dambayn geeriyooday.

Warbaahinta Argentina ayaa waxay sheegtay in Maradona uu si degdeg ah wadnuhu u istaagay isagoo ku sugan gurigiisa ku yaalla Tigre, isla markii dhakhtarka la geeyeyna la ogaaday inuu naf baxay.

Dhakhtarkiisa gaarka ah ayaa laba usbuuc ka hor sheegay in qalliinkii lagaga sameeyey maskaxda markii ay taariikhdu ahayd October 30 uu ahaa mid guuleystay, balse waxa uu xaqiijiyey inuu u baahnaa nasasho iyo soo kabasho.

War-saxaafadeed uu soo saaray xidhiidhka kubadda cagta Argentina oo lagu baahiyey Twitterka ayaa lagu yidhi: “Xidhiidhka kubadda cagta Argentina oo uu hormood u yahay madaxweyne Claudio Tapia, waxa uu xaqiijinayaa murugada geerida halyeygayagii, Diego Armando Maradona.

“Mar walba quluubtayada ayaad ku jiri doontaa.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*