Xidigo kawada tirsanaa kooxda Real Madrid horeyne u ahaay saaxiibo oo dib u isku arkay

Asxaabtii hore ee Real Madrid – Cristiano Ronaldo, Mateo Kovacic iyo Luka Madrid ayaa waqti wada qaateen sidookale waxa ay ku jiraan isku diyaarinta xulalkooda Croatia vs Portugal.

Saddexda xiddig ayaa marwalba ku kulmi jiray qolka labiska ee Estadio Santiago Bernabeu muddo saddex xilli ciyaareed ah laga soo bilaabo 2015 ilaa 2018, xidigaha labo kimid ah ayaa ka tagay Real Madrid kuwaa oo ku biiray naadiyaal kale sida Cristiano oo u dhaqaaqay Juventus iyo Kovacic oo u dhaqaaqay kooxda Chelsea laakiin Modric waa ciyaaryahanka kaliya ee ku haray Real Madrid.

Xulalka Croatia vs Portugal ayaa wada ciyaari doonta tartanka UEFA Nations League fiidnimada talaadada, inkastoo labada dal midkoodna uusan dhaafi karin France oo ku dhameysan doonta kaalinta koowaad ee Group A3.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*