Xiriirka FA-ga Dalka Engaland oo Ganaaxay Cristiano Ronaldo ”Ganaax labo Qeyb oo Qoorta loo soray”

Cristiano Ronaldo ayaa lagu ganaaxay 2 kulan oo ganaax ah iyo 50,000 oo Giniga Istarliinka ah oo uga yimid xidhiidhka kubbadda cagta Ingiriiska kadib markii uu dhulka ku tuuray Taleefanka taageere xilli ciyaareedkii hore.

37-sano jirkaan, oo laga joojiyay qandaraaskiisa Manchester United usbuucan, ayaa FA-gu ku soo oogay dacwad ‘anshax xumo’ iyo/ama rabshado’ ka dib dhacdadii Everton ee bishii hore ee April.

Ronaldo ayaa intaas kadib raali galin ka bixiyay baraha bulshada wuxuuna aqbalay digniinta booliiska kadib markii uu jabiyay taleefoonka taageere dhalinyaro ah xili uu ka soo baxayay garoonka Goodison Park.

Booliska Merseyside ayaa xaqiijiyay in ay soo gabagabeeyeen baaritaankooda Ogosto 17 ka dib markii ay wareysteen Ronaldo oo la xiriira eedeymaha xadgudubka iyo dambiyada.

Si kastaba ha ahaatee, ka dib baaritaan FA-ga, weeraryahanka reer Portugal ayaa haatan lagu xukumay ganaax aad u badan iyo sidoo kale ganaax laba kulan ah haddii uu mar kale ciyaaro tartanka England.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*