
Weeraryahanka Chelsea Raheem Sterling ayaa dib ugu duulaya Qatar si uu dib ugu soo laabto xulka England ee ka qeyb galaya Koobka Adduunka.
Sterling ayaa seegay kulankii Axadii ay 3-0 kaga badiyeen Senegal, waxaana uu dib ugu laabtay England si uu ula joogo qoyskiisa ka dib markii la weerarar gurigiisa.
Laakiin xiriirka FA-ga ayaa haatan xaqiijiyay in Sterling uu dib ugu biiri doono xulka Saddexda libaax ka hor kulanka weyn ee ay sabtida la ciyaari doonaan France wareega 8 dhamaadka.
Bayaan ka soo baxay FA-ga Khamiista ayaa lagu yiri: “ Raheem Sterling wuxuu ku laaban doonaa ngland ee Koobka Adduunka ee Qatar.
“ Weeraryahanka Chelsea si ku meel gaar ah ayuu uga tagay si uu uga qaybgalo arrin qoys, laakiin hadda waxa la filayaa inuu dib ugu soo biiro kooxda 9 December) ka hor wareega 8da ee France.”
Sterling ayaa diyaar u ah inuu wajaho France, inkastoo ay u badan tahay inuu bedel ku soo galo.
Bukayo Saka iyo Phil Foden ayaa wacdaro ka dhigay ciyaartii 16-ka ee ay kaga badiyeen Senegal, waxaana labadoodaba la filayaa inay sii ilaashadaan booskooda ka dambeeya Harry Kane , xilli England ay bartilmaameedsaneyso inay gaarto semi-finalka.
Be the first to comment