Home Suuqa Kala iibsiga Xog Federico Chiesa oo ogolaaday inuu ku biiro Liverpool

Xog Federico Chiesa oo ogolaaday inuu ku biiro Liverpool

0

Federico Chiesa ayaa ogolaaday inuu ku biiro Liverpool, sida uu sheegay Fabrizio Romano.

Xiddiga reer Talyaani ayaa ku faraxsan suurtogalnimada uu ugu wareegi karo Premier League.

Heshiiska ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo iyada oo aan wax dhibaato ah dhicin.

Gianluca Di Marzio, si kastaba ha ahaatee, ayaa ku waramaya in Chiesa ‘ay qaadan doonto hal maalin oo dheeri ah’ ka hor inta uusan go’aanka ugu dambeeya ka gaarin mustaqbalkiisa.

Xiddiga ayaa dhinaca kale lagu soo waramayaa in uu sugayo kooxda Barcelona.

Barcelona ayaa si kasta ha ahaatee ku dhibaatoon doonta in ay bixiso mushaharka xiddiga.

Xiddiga reer Italy ayaa lagu heli karaa lacag qiimo ahaan dhan 15 milyan oo euro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here