Xog Rasmi ah: Juventus iyo Pogba oo ku heshiiyey qandaraaska Xidigan

Paul Pogba

Ciyaaryahanka ka tagaya Manchester United Paul Pogba ayaa ka go’an inuu heshiis la gaaro Juventus .

madama uu Qandaraaska dhacayo bishaan, Pogba ayaa lala xiriiriyay PSG , Real Madrid iyo Juve.

Laakiin Il Corriere dello Sport ayaa sheegaysa in wax walba la isla meel dhigay Pogba iyo Juve.

Xidiga hadka dhexe ee France ayaa ogolaaday inuu mushaar ahaan u qaato €8m afar sano iyo gunooyin gaaraya €10-11m sanadkii.

Juve ayaa ku dhawaaqi doonta soo laabashada Pogba ka dib lix sano oo uu ka maqnaa 1-da Luulyo.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*