Xulalka Cameroon iyo Burkina Faso oo iska Xaadiriyay Wareega 16-aad ee Koobka Qaramada Africa

Xulka Burkina Faso ayaa iska xaadiriyay wareega 16-ka ee koobka qaramada Afrika inkasta oo ay barbaro 1-1 ah la dhaafi waayeen xulka qaranka Itoobiya ciyaartii ugu dambaysay ee Group A.

Xulka Burkina Faso ayaa hogaanka ciyaarta qabatay Daqiiqadii 24aad gool uu u dhaliyay C. Bayala Lakin Itoobiya ayaa ku bar-bareesay Gool Rigoore ah.

Dhanka kale Xulka qaranka marti galinaya koobka qaramada Afrika ee Cameroon ayaa u soo baxay wareega 16-ka ee Group A inkasta oo ay barbaro 1-1 ah la dhaafi waayeen kooxda Cape Verde oo laga yaabo in ay wareega xiga ku soo biiraan.

V. Aboubakar ayaa dhamaadka qeybta hore ee ciyaarta hogaanka u dhiibay Xulka Cameroon Xulka Cape Verde ayaana helay goolka bar-baraha daqiiqadii 53aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay G. Rodrigues
guud ahaan kulamada La Ciyaaray Maanta ayaa ku soo dhamaaday bar-baro.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*