Xulalka Zimbabwe iyo Moroco oo guulo gaaray, Senegal oo dhankeeda Bar-baro lagu qabtay, koobka Qaramada Africa

koobka Qaramada Africa ayaa wali si habsami leh uga socda dalka Cameroon iyadoo xulalka badankooda iska xaadiriyeen wareega 16aad.

Guinea ayaa la kulantay guuldaro laakiin waxa ay wali u soo bixi doontaa wareega 16ka ee koobka qaramada Afrika inkasta oo ay guuldaro 2-1 ah kala kulmeen Zimbabwe garoonka Stade Ahmadou Ahidjo.

isla guruubka B Xulka qaranka Senegal ayaa iska xaadiriyay wareega 16-ka koobka qaramada Afrika iyaga oo ku soo baxay Group B kadib markii 0-0 ah la galeen Malawi.

Natiijo ahaan, Senegal ayaa ku dhameysatay kaalinta koowaad ee group-ka, taasoo la micno ah inay la ciyaari doonaan mid ka mid ah xulalka kaalinta seddexaad ugu fiican, halka Malawi ay ku dhameysatay kaalinta seddexaad iyagoo ka dambeeya Guinea maadaama ay hore guuldaro kala kulmeen.

Group C

Goolkii soo daahay ee Achraf Hakimi ayaa ka badbaadiyay Morocco markii ay barbardhac 2-2 ah ku soo idlaatay taasoo ka dhigtay inay u soo baxdo wareega xiga ee Koobka Qaramada Afrika iyagoo ku soo baxay Group C.

isla guruubka C Xulka Ghana ayaa isaga haray koobka qaramada Afrika kadib markii ay guuldaro 3-2 ah kala kulmeen xulka Comoros.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*