Xulka France Oo Aad Uga Cabsi Qaba Harry Maguire Kahor Kulanka Berri & Sababta

Habeen dambe waxa qabsoomi doona kulanka ugu xiisaha badan wareega siddeed dhammaadka koobka aduunka oo u dhaxayn doona dalalka England iyo France.

Les Bleus ayaa difaacanaya koobka aduunka sanadkana qaab wanaagsan ku socda halka Three Lions ay Finalkii Euro 2020 iyo Semi Finalka koobkii aduunka 2018 gaadheen walina jiil dahabi ah oo cajiib ah wataan.

Hadal haynta ugu badan ee kulankaas ayaa ah garabka weerar ee France ee Kylian Mbappe kaas oo ay saxaafada England aad ugu mashquushay isla markaana ku qalqaalinayso daafaca midig ee Kyle Walker.

Dhinacooda saxaafada France gaar ahaan wargeyska L’Equipe ayaa hore u bahdilay daafaca dhexe ee England ee Harry Maguire oo ay ku sheegeen halka uu ka liito xulkaasi walow 29 sano jirkaasi Koob aduun heer sarre ah qaadanayo.

Haatan markale isla L’Equipe ayaa sharaxay sababta uu Harry Maguire u dhibaatayn karo xulka France ee ay cabsida uga qabaan.

L’Equipe ayaa sheegaya in xulka England yahay midka tartankan soo dhaliyay goolasha ugu badan ee ka yimid kubaddaha dhintay (Dead Balls/Set Peices) isla markaana Maguire yahay midka ugu halista badan marka ay noqoto kubaddaha jooga sarre ah.

Wargeyska ayaa falanqeeyay qaabka Harry lagu joojin karo marka ay noqoto kubaddaha sarre iyo sida awooda qaybta sarre ee jidhkiisa oo weyni uga caawiso inuu halis ku abuuro kubaddaha madaxa ah.

Ugu dambayn, akhriste ma ogtahay in Maguire yahay daafaca ugu goolasha badan taariikhda xulka England iyo gool-dhaliyaha afraad ee ugu sarreeya xulka tan iyo markii tababare Southgate la magacaabay.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*