Xulka Guinea oo bar-baro ku qabtay Senegal Group B

Labada xul ee Senegal iyo Guinea ayaa guuldaro la’aan ku soo baxay AFCON Group B iyaga oo ku kala baxay barbaro gool la’aan ah.

kulanka waxaa iskaga horyimid xidigo Liverpool iyadoo Sadio Mane uu ka horyimid saaxiibkiisa Naby Keïta .

Xulka qaranka Senegal ayaa qaybtii hore ee ciyaarta si fiican u helay fursado muhiim ah iyada oo Boulaye Dia uu ku soo dhawaaday kubbad madax ah oo uu ka soo toogtay meel siddeed yaardi u jirta goolka.

Daqiiqadii 68-aad ee ciyaarta Mane ayaa dhexda u galay kubad ka timid Bouna Sarr lakin kubadiisa ayaa birta kaga dhacday.

Inkastoo xoogaa cadaadis ah uu ka yimid Guinea, ciyaarta ayaa ku dhamaatay natiijo la’aan iyadoo labadoodaba haatan afar dhibcood ku hayaan hogaanka Group-ka.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*