Xulka kubadda cagta Nigeria ayaa diiday in ay la cayaaraan xulka Libya kaddib markii ay ka cawdeen jawi cadawtinimo. Waxay sheegeen in lagu qasbay in ay ka dhoofaan garoon diyaaradeed oo aad uga fog halka lagu dheelayo ee Benghazi iyo sidoo kale in ay muddo ku xayirmeen qeybta socdaalka.
Wasiirka isboortiga Nigeria, Senator John Enoh, ayaa ku amray xulka qaranka oo ku xayirnaa garoonka diyaaradaha ilaa galabtii Axadda in ay dalka dib ugu soo laabtaan. Wasiirka waxa uu sheegay in dowladda iyo shacabkaba ay walaac ka muujiyeen badqabka xulkooda.
Qoraal uu soo dhigay barta X ayuu wasiirka ku sheegay in khadka taleefoonka uu kula hadlay madaxweynaha iyo xoghayaha guud ee CAF kuwaas oo muujiyay walaacooda, waxayna weydiisteen naadiga in loo ogolaado in ay dheelaan.
Ciyaartoyda ayaa 16 saacadood ku xayirnaa halkaas iyagoo aan wax caawin ah helin aadna u daalay.
Kooxaha labada dal ayaa la filayay in ay kulmaan talaadada ciyaaraha loogu soo baxayo isreereebka kookba Qaramada Afrika ee sanadka dambe.