Xulka Senegal oo bara baro la gashay Xulka Guinea.

Sadio Mane ayaa ka caawin waayey  xulka Senegal inay guul ka gaaro xulka Guinea kulan ka tirsanaa Group B ka dib ciyaar ku soo dhamaatay bara baro gool la’aan ah.

Senegal oo ah xulka ugu qiimaha sareeya xulalka ka qeyb galaya tartankaan Qaramada qaarada afrika ayaa waxaa ka maqnaa labo ka mid ah xiddigahooda oo uu Korona Fayras ku dhacay kuwaasoo kala ahaa goolhaye Edouard Meny iyo daafaca Kalidou Koulibaly.

Maqnaanshiyahooda saameyn weyn ma aysan yeelanin kulankii hore ee ay Senegal guusha kagaadhay xulka qaranka Zimbabwe balse kulankan ayaa ah mid aad loo tabay maqnaashahooda

Senegal ay abuurtay fursado badan laakiin kama aysan faa’ideysanin fursadihii ay heleen.

Waxaa sidoo kale caawa la ciyaarayaa kulamo ka tirsan Group C iyadoo ay isku balansan yihiin xulalka Gabon  iyo Ghana halka.

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*