Home Warar Ciyaaraha Maanta Yaa Iskalahaa eeda Bixitaanka Conor Gallagher iyo Enzo Maresca Oo Shaaciyay

Yaa Iskalahaa eeda Bixitaanka Conor Gallagher iyo Enzo Maresca Oo Shaaciyay

0

Enzo Maresca ayaa ku adkeysanaya inuu dhibane u yahay xaalad isla markaana uu awood la’aan yahay inuu ka hortago iibka xiddiga khadka dhexe ee Conor Gallagher.

Chelsea ayaa iibisay dhowr ciyaartoy oo ka soo baxay akadeemiyadeeda labadii sano ee la soo dhaafay, iyadoo ciyaaryahanka khadka dhexe Gallagher uu ahaa kii ugu dambeeyay kaas oo ku biiraya kooxda Atletico Madrid.

Xiddiga khadka dhexe ee Gallagher, oo Chelsea ku sugnaa tan iyo 8 sano jir, ayaa qandaraas kula jira ilaa 2025.

Iibinta Gallagher ayaa keentay in si weyn loo dhaleeceeyo kooxda chelsea maadama uu xiddigu ka mid yahay xiddigaha ugu fiican ee u soo baxaya kooxda.

Laakiin tababare Maresca ayaa sheegay in sabab la xidhiidha xeerka premier League uu sabab u yahay in ay kooxdu iska iibiso xiddiga Gallagher.

“Laakiin tani maaha dhibka Chelsea, kuwani waa xeerar,” ayuu yidhi Maresca.

“Kooxaha oo dhan xilligan waxay ku qasban yihiin inay iibiyaan ciyaartoyda akadeemiga sababtoo ah sharciga. Waa dhammaan dhibaatooyinka kooxaha Premier League”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here