Home Suuqa Kala iibsiga Yaa kula Taliyay Riccardo Calafiori in Uu Ku Biiro Arsenal?

Yaa kula Taliyay Riccardo Calafiori in Uu Ku Biiro Arsenal?

0

Saxiixa cusub ee Arsenal Riccardo Calafiori ayaa sheegay in uu ku qancay in uu ku biiro kooxda Arsenal ka hor inta uuna xitaa la hadlin Mikel Arteta iyo Edu, laakiin go’aankiisa waxaa dib u xaqiijiyay cadaadis xoogan oo uga yimid saaxiibkiisa cusub ee Jorginho.

22 jirkan ayaa heshiis wakhti dheer ah u saxiixay Emirates Stadium kadib markii ay Arsenal ogolaatay in ay bixiso lacag dhan 45 milyan oo euro.

“Waxan dareemayaa cajiib”ayuu yidhi.

“Waxa ay ahayd arin adag ilaa haatan, laakiin ugu dambayn wax walba way dheceen ma sugi karo in aan tababar la bilowdo kooxda, una ciyaaro taageerayaasha”.

“Runtii waxay ahayd riyadeyda tan iyo markii aan ahaa 12 ama 13 sano jir, sababtoo ah waxaan arki karaa heerka horyaalka halkan iyo ciyaartoyda ugu fiican adduunka”.

“Waxa aan la kulmay Jorginho bil ka hor waxana uu igu qasbay in aan ku qanco ku biirista Arsenal”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here