Zenit 3-3 Chelsea: Blues oo lagu qasbay inay gasho kaalinta Labaad ee Guruub H, Juventus oo Hogaanka u qabatay guruubkan

Chelsea ayaa lagu qasbay in ay u dhacdo kaalinta labaad ee Group H ka dib markii laga dhaliyay goolka barbaraha Waqtiga dhimashada kulan ku soo dhamaaday 3-3 ah oo ay la ciyaartay kooxda Zenit.

Labo gool oo uu dhaliyay Timo Werner iyo gool kale oo uu dhaliyay Romelu Lukaku ayaan ku filnaan wayday in ay Blues guul ka gaarto kulankan, Claudinho, Sardar Azmoun iyo Ozdoev ayaa dhamaantood u dhaliyay Saddexda gool ee  Zenit.

Chelsea ayaana hada qeyb ka ah isku aadka isniinta waxana ay ku fashilmatay inay ku soo baxdo kaalinta 1aad ee Guruubka H oo Juventus ku soo baxday kadib guusheeda Juvenuts ay ka gaartay Malmö

Tababaraha Blues Thomas Tuchel ayaa waxaa ka maqnaa dhowr ciyaaryahan oo khadka dhexe ah oo ay ku jiraan Jorginho, N’Golo Kante iyo Mateo Kovacic, waxaana uu dhexda ku soo bilaabay Ross Barkley iyo Reece James, iyadoo xiddiga amaahda uga maqan Atletico Madrid Saul Niguez uu ka ciyaarayay garabka bidix.

Zenit ayaa marti u noqon doonta Dinamo Moscow kulan ka tirsan Horyaalka Ruushka, halka Chelsea ay sabtida martigelin doonto Leeds United Premier League.

Dhanka kale Moise Kean ayaa kubad madax ah u dhaliyay kooxda Juventus kulank ay 1-0 kaga badiyeen kooxda Malmo ee Champions League.

Kubbad qurux badan oo uu Federico Bernardeschi ka soo karoosay dhinaca midig waxaa madax ku dhameestiray Moise Kean daqiiqadii 18aad ee Ciyaarta.

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*