Tan iyo markii uu ka tagay Real Madrid xagaagii 2021, tababare Zinadine Zidane ayaa shaqo la’aan ah walow uu waayo tababarenimo ee cajiib ah ilaa haatan soo qaatay.
Labada wakhti ee kala duwan ee uu Real Madrid kusoo qaatay, Zidane ayaa 11 koob oo saddex Champions League kamid yihiin kusoo guuleystay.
Zidane ayaa mudada uu shaqo la’aanta ahaa lala xidhiidhinayay shaqooyin dhawr ah wuxuuna ahaa macalinka ugu cad cad inuu la wareego xulka France kaddib Koobkii Aduunka ee sanadkii hore.
Xidhiidhka kubadda cagta France ee FFF ayaa go’aansaday inaysan Zidane u dhaqaaqin oo ay heshiis cusub ka saxeexdaan macalin Didier Deschamps.
Wargeyska Footmercato ayaa sheegaya xogtii ugu dambaysay ee ah in Zidane qandaraas ka helay kooxda Saudi Arabian-ka ah ee Al Nassr.
Footmercato ayaa sheegaya in Al Nassr heshiis laba sano ah u bandhigtay Zidane balse uu diiday qandaraaskaas oo uu 150 Milyan oo euro ku qaadan lahaa mudadaas kooban.
Zizou ayaa doonaya inuu la wareego koox weyn oo shanta horyaal ee waaweyn ee Yurub ah balse lama oga haddii uu fursadaas heli doono mustaqbalka dhaw.