
Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa loo qabtay kaliya 3 kulan oo uu ku badbaadiyo shaqadiisa tababaranimo xilli uu cadaadisku ku sii kordhayo tababaraha reer France.
Kooxda Real Madrid ayaa halis ugu jirta in ay wareega Group-yada kaga hadho tartanka champions League kadib guuldaradii ka soo gaadhay kooxda Shakhtar Donetsk.
Zidane ayaa kooxda kula guulaystay horyaalka La Liga xilli ciyaareedkii hore inkasta oo wareega 16-ka looga reebay tartanka champions Leageu.
Laakiin Real Madrid ayaa si xun ku bilaabatay xilli ciyaareedkan iyaga oo kaalinta 4-aad ku jira horyaalka La Liga iyaga oo boosaska looga hadho horyaalka marka loo bar-bar dhigo hogaanka horyaalka.
Wargayska ESPN ayaa sheegaya in uu taabare Zidane haatan haysto kaliya 3 kulan oo uu ku badbaadin karo.
Kulamadaas ayaa kala Ah Sevilla, Atletico Madrid iyo kulanka ugu dambeeya ee champions League wareega Group-yada.
Be the first to comment