Tababaraha ree France ee Zinadine Zidane ayaa la filayaa inuu dhawaan kusoo laabto shaqada macalinimo kaddib markii shaqada xulka France oo uu mudo dheer sugayay heli waayay.
Zidane ayaa filayay in Didier Deschamps oo ay France usoo wada ciyaareen ka dagi doono doorka tababarenimo ee Les Bleus kaddib koobkii aduunka balse wuxuuba sameeyay heshiis kordhin cusub oo ilaa 2026 ah.
Zidane ayaa markale lala xidhiidhinayaa kooxaha England iyadoo hore loola xidhiidhin jiray shaqooyinka Man United iyo Chelsea.
Heshiis uu macalin ugu noqdo koox Premier League ah ayaan u muuqan mid qabsoomaya sida uu sheegayo wargeyska Mundo Deportivo.
Warbixinta wargeyskaas ayaa lagu sheegay in Zidane uusan qaban doonin koox Premier League ah maadaama oo uusan ku ficnayn luuqada English-ka.
Mundo ayaa sheegaya in labada kooxood ee uu qaban karaa yihiin kooxda dalkiisa France ee Paris Saint-Germain iyo kooxdiisii hore ee Juventus.
Mustaqbalka macalinka PSG ee Christophe Galtier ayaa sidii caadiga u ahayd kooxdaas ku xidhan halka ay Champions League ka gaadhaan.
Dhinaca Juventus xaalada xun ee kooxdu sharci ahaan marayso iyo dambiyada dhawaan lagu helay ayaa sababi kara in Zizou ku dhici waayo.
Si lamid ah waxaan meesha laga saari karin inuu markii saddexaad noqdo tababaraha kooxdii uu guulaha badan usoo hooyay ee Real Madrid.