Zinedine Zidane oo doonaya Casemiro inuu ku biiro Paris Saint-Germain

Zinedine Zidane ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayo in uu dib ula midoobo xiddiga Real Madrid ee Casemiro hadii uu qabto shaqada kooxda Paris Saint-Germain .

Zidane ayaa loo arkaa mid ka mid ah shaqsiyaadka ugu cadcad inay shaqada kala wareegaan Mauricio Pochettino dhamaadka xili ciyaareed kaan kadib markii PSG ay ka hartay Champions League.

Agaasimaha ciyaaraha PSG ee Leonardo ayaa dhawaan beeniyay wararka sheegaya in kooxdiisu ay horay ula xiriirtay Zidane kaas oo wali la hadal hayo in uu u hayo shaqada France.

Si kastaba ha ahaatee, El Nacional ayaa ku warameysa in Zidane uu mar horeba u aqoonsaday Casemiro mid ku haboon mashruuciisa PSG, iyadoo Real Madrid ay macquul tahay inay ku iibiso qiimo sax ah.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in Zidane uu sidoo kale isha ku hayo inuu dib ula midoobo Karim Benzema , laakiin Florentino Perez ayaa ka caga jiidaya.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*